10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:
7) SAMEYSO WAXYAABO AAD KU NASATO: marka aan leenahay sameyso waxyaabo aad ku nasato ma ahan in aad waxyaabo xun xun sameysato sababtoo ah adiga ayeey dhib kuu keyneysaa tusaale ahaan waxyaabo dambi ah ayaan ka dhigtay waxyaabaha aan ku nasto marnaba kama baxeysid kalsooni darada naftaada marka waxyaabaha aad ku nasaneyso waxaad ka dhigataa waxyaabo uu Alle raali kayahay si aad horay ugu sii socodo wadada hormarka.
8) U DABAALDAG GUULAHA YAR YAR EE AAD SAMEYSAY: markii aan oraneyno u dabaaldag guulahaaga yar yar ma ahan in loola jeedo shaqadii waad dhameysay ee u hambalyeey nafsadaada ee waxaa loola jeedaa markii aad naftaada ugu hambalyesid guusha yar eey sameysay waxey ku dhiiraneysaa in eey sameyso mid ka wanaagsan midii hore si eey u hesho amaan intaas kabadan midaa badalkeeda hadii aad is dhahto waxba maatan qaban intii yareed oo aad heshay ayaa kaa lumeyso guul walbana waxey ka bilaabataa wax yar kadib ayeey isku badashaa mid balaadhan oo dadka oo dhami eey kugu hambalyeeyaan marka inta aad sidaa ka kaadheyso adiga isku hambalyeey si aad horay ugu socodo korna ugu qaato kalsoonidaada.
LASOCO QODOBADA HARAY INSHA ALLAH.
WAXAA QORAY: UMULKHAYR MOHAMED ABDI.
IMPROVING KNOWLEDGE OF THE STUDENTS IKOS .
MAHADSANIDIIN........

No comments:
Post a Comment