Subscribe us on YouTube

Monday, December 26, 2016

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

4) HA ISKA DAYIN AMA HAKU FIKIRIN IN AAD NOQOTO QOF DHAMEYSTIRAN:aad ayeey u wanaagsantahay in aad dadaasho oo aad si fiican wax u sameyso laakiin marnaba ha isku dayin in aad noqoto qof dhameystiran ama qaabka aad wax u sameysay ey noqoto qaabka ugu fiican why aduungaba qof dhameystiran kuma noolo marka midaa ma ahan in aad naftaada ku daaliso ugu dambeyna aad kala kulanto niyad jab iyo kalsonida aad naftaada ku qobtid oo hoos u dhacto.

5) HAKU CANAANAN NAFTAADA HADAADuu QALAD KAA DHACO: qof walba oo goonkaan ku nool wuu qaldamayaa qof aanan wax qaldin waxba masaxo maahmaah sidaa oraneyso ayaa jirto markaa waxaa nalooga baahanyahay markey wax naga qaldamaan in aan u qaadano cashir aan baranay Naftaadana ugu Hambalyesid tijaabada wanaagsan ey sameysay markaa waxaa kuu fududaanayo in aan tijaabada markale dib ugu laabato adigoo faraxsan.

6) DIIRADA IN AAD SAARTO WAXYAABAHA AAD BADALI KARTID: qodobkaan wuxuu inoo muujinayaa in aan sameyno isbadal laakiin qaabkee u sameyneynaa kawaran hadaan dhahno waxaan badaleynaa mdibka buuraha ama wax aan macquul aheyn in aad badsho kaliya waad ku daaleysaa waxaana kala kulmeysaa niyad jab ah in aadan hormar kale sameynin markaa waxaa lakugula talinayaa in aad badasho waxyaabaha aad awoodo in aad badasho adigoo ALLE kaashanaya

la soco qodobada Haray Insha Allah.

Waxaa qoray: Umulkhayr Mohamed Abdi.

Improving Knowledge Of the Students IKOS.


No comments:

Post a Comment