10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:
Halkaan waxaan kusoo bandhigeynaa 10 qodobo aad kor ugu qaadi karto kalsoonida hooseyso,
ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa Alle inoo fududeeyo in aan idiin soo bandhigno mowduucaan waxaana rajeenayaa in aad wax badan ka faa'ididoondiin Insha allah.
midakale hormarinta Naftaada waxaa First ka ah Alle in aad ka baqdid why markaas wax walba ayaa kuu fududaanayo Inasha Allah,
1) NAFTAADA QOF KALE HALA BARBARDHIGIN; sababta aadan naftaada qof kale u barbardhigeynin ayaa ah qof walba Alle wuxuu siiyay dabci gaar ah qofna lamid ma ahan qof kale marka waxaa macquul ah hadaad qof kale is barbardhigto in aad niyad jabeysid tusaale ahaan waxaad aragtay qof kaa fiican ama kaa sareeyo hadaad qofkaas naftaada ag dhigto qalbikaaga wuxuu ku tusayaa in aadan waxba aheyn oo aadan waxba qaban karin markaa waxaa macquul ah in aad ka habsaanto hormarkii aad ku socoday.
2) ISLA HADAL WANAAGSAN; qodobkaan wuxuu kaa caawinayaa in aadan niyad jabin oo aad horay usocodo tusaale ahaan howl aad qabaneysay ayaad si qaldan u sameysay ma ahan in aadan isla markiiba naftaada eedeyso waa in aad si wanaagsan iskula hadashaa adiga niyada isku dhistaa si aad howshii markale dib ugu noqoto meeshaana kasii wadid markaa si dhaqsi leh ayaad u guuleysaneysaa Insha Allah.
3) JIMICSI SAMEYN; Jirdhiska wuxuu kaa caawinayaa in aad kor u qaadid kalsoonida naftaada iyo in eey niyadaada si wanaagsan u dhisanto, why caafimaad ahaan ayeey maskaxda u koreysaa hadey jireen wax yaabo aad ku niyad jabilaheyd wey ku ilaawsiineysaa midakale jirka bini aadamka wuxuu u baahanyahay jimicsi si uu u helo caafimaad buuxa.
la soco qodaba Haray Insha Allah.
Waxaa qoray: Umulkhayr Mohamed Abdi
Improving Knowledge Of the Students IKOS.

No comments:
Post a Comment