50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................
41- hadii alle ku siiyo nimco ku badal mahad-naq,kuna ilaasho daacada Alle,ku na dedaal is dhuldhiga si ay kuugu sii joogto.
42- qofka ku sifooba Alle ka cabsi,iimaan ka muuqdo,akhlaaqdiisuna wanaagsantahay wuxuu gaadhaa jacaylka Alle iyo ta dadka,wuxuuna ku noolaadaan farxad.
43- ha noqon caajis low waayo caajislowgu wuu murugo badan yahay
44- nolosha inteeda qadhaadh waxaa ka badan inteeda macaan,sirtuna waxay tahay sidee maskaxdu inoo gaadhsiisaa macaanka nolosha.
45- qofku haduu helo aduunyo kasta oo uu helo bilado badan,laakiin aanay lahayn iimaan iyo kalsooni naftiisa ah farxadii noloshiisa wax ayaa ka dhiman.
46- nolosha dhameyska tirani waa adoo ku bixiya dhalinyaranimadaada hiigsi iyo hanqaltaag,da,dada dhexana halgan,gabowgaagana ka fiirsi
47- ku canaano naftaada wixii ay ka gaabisay,cid kalena ha ku canaanan
48- ha ku qancin naftaada inay dadka ka sareyso,iskana Ilaali inaad wax kasta anni tidhaahdo.
49- ku dedaal qosolka dhoolocateynta ah ee aan codka wadan si aad u laab furnaato,murugaduna kaaga tagto,farxadna u keensato.
50- farxadu waxay ku jirtaa cibaadada, qofka daa,ima istiqfaartuna wuxuu ka mid noqonayaa dadka farxadda badan
Bahda IKOS waxey mar walba idiin soo gudbineysaa wax yaabo anfaca nolashiina iyo aqooontiisa INSHA ALLAH.
IMPROVING KNOWLEDGE OF STUDENTS IKOS.
MAHADSANIDIIN............................

No comments:
Post a Comment