Subscribe us on YouTube

Wednesday, December 21, 2016

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

31- farxadu kuma jirto nasabka iyo xoolaha toona balse waxay ku jirtaa diinta,cilmiga,edebta iyo akhlaaqda wanaagsan.
32- ka fikir guulaha aad gaadhay iyo wanaaga aad sameysay kuna farax.
33- ogow in Allihii kaa kexeeyey murugadii shalay uu kaa kaxeynaayo ta maanta iyo ta berriba,isaga talo saaro.
34- ogow in adiga iyo qofka kaa sareeya ay hal maalin u dhexayso,waayo shalay waa tagtay oo soo noqon meyso,berrina isaguna ma laha adna ma lihid,laakiin maalintaa la joogo oo keliya ayaa idiin dhexaysa.
35- farxadu waxay fir-fircooni gelisaa nafta,waxaanay keentaa karti.,noloshana qiimey u yeeshaa.
36- qaamuuska(dhigshineriga)farxadda iyo liibaantu wuxuu ka koobanyahya kelmad keliya waana raali ahaansho,hadba ka raali noqo naftaada.
37- hadii dhib kugu dhaco isku day inaad markaba meesha ka saarto.
38- hadii dhib kugu dhaco xusuuso inta dhib ee kugu dhacday ee Alle kaa bad-baadiyey si aad u ogaato in Allihii dhibtii hore kaa bad-baadiyey uu tana kaa bad-baadindoono.
39- markaad go,aan qaadaneyso ha qaadin go,aan aadan ka fiirsan oo aadan dhinacyo badan ka eegin,lana tasho dadka aad ku kalsoontahay,hadii aad guuleysato waa sidii aad dooneysay,hadii aad guul dareysatona murugoon meysid waayo go,aanka waa lagula wadaagay.
40- dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan,cadowgooduna wuu yaryahay,waayo saaxiib sannad baad ku heshaa,cadowna hal maalin,wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo dabeecad wanaag.

KALA SOCO QODOBADA HARAY IKOS INSHA ALLAH.

IMPROVING KNOWLEDGE OF STUDENTS IKOS.

No comments:

Post a Comment