Subscribe us on YouTube

Thursday, December 29, 2016

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

9) NOQO QOF NAXARIIS IYO QADARIN BADAN: labadaan qodob waxey ina tusayaan in eey aad muhiim ugu yahimiin kalsoonida naftaad iyo mida dadka kale sababtoo ah markii aad qof u naxariisatid ama aad qadarisid adiga ayeey dib kugu soo noqoneysaa iyada dhowr nuuc ah, mid qofkii aad waxaas usameysay oo si lamida kuu saemyo iyo wanaaga aad sameysay daraadeed in uu ALLE dadka oo dhami sidaa oo kale kaaga dhigo markaas waxaa kuu fududaaneyso in eey kalsoonidaada sareyso.

10) IN AAD NOLASHAADA KU WAREEJISID DADKA WAXTARKA LEH: waa maxay dadka waxtarka leh?
waa dad mar walba kugu dhiira kaliya kuguna waaniya in aad noqoto qof guuleystay Tusaale ahaan arday ayaa wuxuu saxiibo ka dhigtay ardayda classka ugu hooseeya dhankasta Aqoon iyo Edeba, kadib maxaan ka fileynaa Ardaygaan xitaa haduu ahaa Qofka Class ka ugu wanaagsan!!
waa in uu lamid noqtaa Ardaydaas midaana waa sidaa oo kale hadaad nolashaada ku wareejisid dadka waxtarka u leh waxaa kuu Sahlanaaneyso in aad si dhaqsi leh sare ugu qaato kalsoonidaada hooseyso.

WAXAA QORAY: UMULKHAYR MOHAMED ABDI.

IMPROVING KNOWLEDGE OF THE STUDENTS IKOS......

MAHADSANIDIIN.........



Wednesday, December 28, 2016

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

7) SAMEYSO WAXYAABO AAD KU NASATO: marka aan leenahay sameyso waxyaabo aad ku nasato ma ahan in aad waxyaabo xun xun sameysato sababtoo ah adiga ayeey dhib kuu keyneysaa tusaale ahaan waxyaabo dambi ah ayaan ka dhigtay waxyaabaha aan ku nasto marnaba kama baxeysid kalsooni darada naftaada marka waxyaabaha aad ku nasaneyso waxaad ka dhigataa waxyaabo uu Alle raali kayahay si aad horay ugu sii socodo wadada hormarka.

8) U DABAALDAG GUULAHA YAR YAR EE AAD SAMEYSAY: markii aan oraneyno u dabaaldag guulahaaga yar yar ma ahan in loola jeedo shaqadii waad dhameysay ee u hambalyeey nafsadaada ee waxaa loola jeedaa markii aad naftaada ugu hambalyesid guusha yar eey sameysay waxey ku dhiiraneysaa in eey sameyso mid ka wanaagsan midii hore si eey u hesho amaan intaas kabadan midaa badalkeeda hadii aad is dhahto waxba maatan qaban intii yareed oo aad heshay ayaa kaa lumeyso guul walbana waxey ka bilaabataa wax yar kadib ayeey isku badashaa mid balaadhan oo dadka oo dhami eey kugu hambalyeeyaan marka inta aad sidaa ka kaadheyso adiga isku hambalyeey si aad horay ugu socodo korna ugu qaato kalsoonidaada.

LASOCO QODOBADA HARAY INSHA ALLAH.

WAXAA QORAY: UMULKHAYR MOHAMED ABDI.

IMPROVING KNOWLEDGE OF THE STUDENTS IKOS .

MAHADSANIDIIN........


Monday, December 26, 2016

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

4) HA ISKA DAYIN AMA HAKU FIKIRIN IN AAD NOQOTO QOF DHAMEYSTIRAN:aad ayeey u wanaagsantahay in aad dadaasho oo aad si fiican wax u sameyso laakiin marnaba ha isku dayin in aad noqoto qof dhameystiran ama qaabka aad wax u sameysay ey noqoto qaabka ugu fiican why aduungaba qof dhameystiran kuma noolo marka midaa ma ahan in aad naftaada ku daaliso ugu dambeyna aad kala kulanto niyad jab iyo kalsonida aad naftaada ku qobtid oo hoos u dhacto.

5) HAKU CANAANAN NAFTAADA HADAADuu QALAD KAA DHACO: qof walba oo goonkaan ku nool wuu qaldamayaa qof aanan wax qaldin waxba masaxo maahmaah sidaa oraneyso ayaa jirto markaa waxaa nalooga baahanyahay markey wax naga qaldamaan in aan u qaadano cashir aan baranay Naftaadana ugu Hambalyesid tijaabada wanaagsan ey sameysay markaa waxaa kuu fududaanayo in aan tijaabada markale dib ugu laabato adigoo faraxsan.

6) DIIRADA IN AAD SAARTO WAXYAABAHA AAD BADALI KARTID: qodobkaan wuxuu inoo muujinayaa in aan sameyno isbadal laakiin qaabkee u sameyneynaa kawaran hadaan dhahno waxaan badaleynaa mdibka buuraha ama wax aan macquul aheyn in aad badsho kaliya waad ku daaleysaa waxaana kala kulmeysaa niyad jab ah in aadan hormar kale sameynin markaa waxaa lakugula talinayaa in aad badasho waxyaabaha aad awoodo in aad badasho adigoo ALLE kaashanaya

la soco qodobada Haray Insha Allah.

Waxaa qoray: Umulkhayr Mohamed Abdi.

Improving Knowledge Of the Students IKOS.


Sunday, December 25, 2016

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO

10 QODOB AAD KU HORMARIN KARTO KALSONIDA NAFTAADA HOOSEYSO:

Halkaan waxaan kusoo bandhigeynaa 10 qodobo aad kor ugu qaadi karto kalsoonida hooseyso, 
ugu horeyn waxaan u mahadcelinayaa Alle inoo fududeeyo in aan idiin soo bandhigno mowduucaan waxaana rajeenayaa in aad wax badan ka faa'ididoondiin Insha allah. 
midakale hormarinta Naftaada waxaa First ka ah Alle in aad ka baqdid why markaas wax walba ayaa kuu fududaanayo Inasha Allah,

1) NAFTAADA QOF KALE HALA BARBARDHIGIN; sababta aadan naftaada qof kale u barbardhigeynin ayaa ah qof walba Alle wuxuu siiyay dabci gaar ah qofna lamid ma ahan qof kale marka waxaa macquul ah hadaad qof kale is barbardhigto in aad niyad jabeysid tusaale ahaan waxaad aragtay qof kaa fiican ama kaa sareeyo hadaad qofkaas naftaada ag dhigto qalbikaaga wuxuu ku tusayaa in aadan waxba aheyn oo aadan waxba qaban karin markaa waxaa macquul ah in aad ka habsaanto hormarkii aad ku socoday.

2) ISLA HADAL WANAAGSAN; qodobkaan wuxuu kaa caawinayaa in aadan niyad jabin oo aad horay usocodo tusaale ahaan howl aad qabaneysay ayaad si qaldan u sameysay ma ahan in aadan isla markiiba naftaada eedeyso waa in aad si wanaagsan iskula hadashaa adiga niyada isku dhistaa si aad howshii markale dib ugu noqoto meeshaana kasii wadid markaa si dhaqsi leh ayaad u guuleysaneysaa Insha Allah.

3) JIMICSI SAMEYN; Jirdhiska wuxuu kaa caawinayaa in aad kor u qaadid kalsoonida naftaada iyo in eey niyadaada si wanaagsan u dhisanto, why caafimaad ahaan ayeey maskaxda u koreysaa hadey jireen wax yaabo aad ku niyad jabilaheyd wey ku ilaawsiineysaa midakale jirka bini aadamka wuxuu u baahanyahay jimicsi si uu u helo caafimaad buuxa.

la soco qodaba Haray Insha Allah.

Waxaa qoray: Umulkhayr Mohamed Abdi

Improving Knowledge Of the Students IKOS.


Wednesday, December 21, 2016

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

41- hadii alle ku siiyo nimco ku badal mahad-naq,kuna ilaasho daacada Alle,ku na dedaal is dhuldhiga si ay kuugu sii joogto.
42- qofka ku sifooba Alle ka cabsi,iimaan ka muuqdo,akhlaaqdiisuna wanaagsantahay wuxuu gaadhaa jacaylka Alle iyo ta dadka,wuxuuna ku noolaadaan farxad.
43- ha noqon caajis low waayo caajislowgu wuu murugo badan yahay
44- nolosha inteeda qadhaadh waxaa ka badan inteeda macaan,sirtuna waxay tahay sidee maskaxdu inoo gaadhsiisaa macaanka nolosha.
45- qofku haduu helo aduunyo kasta oo uu helo bilado badan,laakiin aanay lahayn iimaan iyo kalsooni naftiisa ah farxadii noloshiisa wax ayaa ka dhiman.
46- nolosha dhameyska tirani waa adoo ku bixiya dhalinyaranimadaada hiigsi iyo hanqaltaag,da,dada dhexana halgan,gabowgaagana ka fiirsi
47- ku canaano naftaada wixii ay ka gaabisay,cid kalena ha ku canaanan
48- ha ku qancin naftaada inay dadka ka sareyso,iskana Ilaali inaad wax kasta anni tidhaahdo.
49- ku dedaal qosolka dhoolocateynta ah ee aan codka wadan si aad u laab furnaato,murugaduna kaaga tagto,farxadna u keensato.
50- farxadu waxay ku jirtaa cibaadada, qofka daa,ima istiqfaartuna wuxuu ka mid noqonayaa dadka farxadda badan

Bahda IKOS waxey mar walba idiin soo gudbineysaa wax yaabo anfaca nolashiina iyo aqooontiisa INSHA ALLAH.

IMPROVING KNOWLEDGE OF STUDENTS IKOS.

MAHADSANIDIIN............................

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

31- farxadu kuma jirto nasabka iyo xoolaha toona balse waxay ku jirtaa diinta,cilmiga,edebta iyo akhlaaqda wanaagsan.
32- ka fikir guulaha aad gaadhay iyo wanaaga aad sameysay kuna farax.
33- ogow in Allihii kaa kexeeyey murugadii shalay uu kaa kaxeynaayo ta maanta iyo ta berriba,isaga talo saaro.
34- ogow in adiga iyo qofka kaa sareeya ay hal maalin u dhexayso,waayo shalay waa tagtay oo soo noqon meyso,berrina isaguna ma laha adna ma lihid,laakiin maalintaa la joogo oo keliya ayaa idiin dhexaysa.
35- farxadu waxay fir-fircooni gelisaa nafta,waxaanay keentaa karti.,noloshana qiimey u yeeshaa.
36- qaamuuska(dhigshineriga)farxadda iyo liibaantu wuxuu ka koobanyahya kelmad keliya waana raali ahaansho,hadba ka raali noqo naftaada.
37- hadii dhib kugu dhaco isku day inaad markaba meesha ka saarto.
38- hadii dhib kugu dhaco xusuuso inta dhib ee kugu dhacday ee Alle kaa bad-baadiyey si aad u ogaato in Allihii dhibtii hore kaa bad-baadiyey uu tana kaa bad-baadindoono.
39- markaad go,aan qaadaneyso ha qaadin go,aan aadan ka fiirsan oo aadan dhinacyo badan ka eegin,lana tasho dadka aad ku kalsoontahay,hadii aad guuleysato waa sidii aad dooneysay,hadii aad guul dareysatona murugoon meysid waayo go,aanka waa lagula wadaagay.
40- dadka caqliga badan waxay leeyihiin asxaab badan,cadowgooduna wuu yaryahay,waayo saaxiib sannad baad ku heshaa,cadowna hal maalin,wanaagna waxaa leh qofka Alle siiyo dabeecad wanaag.

KALA SOCO QODOBADA HARAY IKOS INSHA ALLAH.

IMPROVING KNOWLEDGE OF STUDENTS IKOS.

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH

50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................

21- badi salaada waa alabaabka farxadda laga galee
22- farxadu waa geed biyihiisa,cuntadiisa,hawadiisa iyo iftiinkiisu ay tahay iimaanka Alle.
23- baro cilmiga waayo wuxuu kordhiyaa araga qofka.
24- ula dhaqan dadka sida aad jeceshay inay kuula dhaqmaan.
25- hadii labadda lamaane mid cadhoodo ka kale ha aamuse,inta uu cadhaysanyahay.
26- qofka haysta guri,caafimaad iyo quutal yoom ha ogaado inuu haysto nolol aduun,
27- guusha iyo farxadda waxaa sees u ah Alle(sw) oo raali kaa noqda,dadka kuu dhow oo raai kaa noqda iyo naftaada oo raali kaa noqota.
28- Cuntadu waa farxad hal maalin ah,safarkuna wa farxad isbuuc ah,xaaskuna waa farxad bila,xooluhuna waa farxad sannad ah,iimaankuna waa liibaan iyo farxad weligaa ah.
29- ku dedaal inaad saaxiibadaa la sheekeysato,si aad iskaga kaxeyso murugada,ogowna in kaftanka hufan uu keeno farxad.
30- qaabka noloshaadu yeelaneyso wuxuu ku jira gacmahaag,hadba qaabee noloshaada oo ka xidhan muraayad madow.

KALA SOCO QODOBADA HARAY IKOS INSHA ALLAH.

IMPROVING KNOWLEDGE OF STUDENTS IKOS.