50 QODOB OO AAD KU NOQON KARTO QOF FARXAD BADAN INSHA ALLAH ....................................................
11- markaad dadka la fadhido u fadhiiso qaab wanaagsan,ha ku hadlin waxaan kheyr ahayn,wejigaaga fur,ixtiraam dadka kula fadhiya,dhegeyso sheekadooda hana ka dhex gelin.
12- ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale,waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.
13- iska Ilaali jacaylka aan xadka lahayn,waayo waa u cadaab qofka,waana xanuun ku dhaca qalbiga.
14- ha eegin waxyaabaha xaaraanta kaa ah.
15- nidaami xiliyada aad wax cunto,waxna ha cunin adoo dheregsan.
16- markaad cadhooto aamus,oo shaydaanka iska naar,bedel meesha aad ku cadhootay,hadaad taagantahayna fadhiiso.
17- ogow inaad ku fikirto wixii ku dhaafay inay ka dhigantahay adoo ka fikiraaya sidii aad caano naas ka soo baxay aad ugu celin lahayd.
18- ogow in wixii kugu dhacaa aanay marna ku gafeen,wixii ku seegaana aanay marna kugu dheceen.
19- hadii khasaare kugu dhoco isku day inaad guul u bedesho oo ha quusan.
20- Ha ka fikirin waxyaabo khiyaali ah,si aanay kuugu furmin togoga murugada.
KALA SOCO QODOBADA HARAY IKOS INSHA ALLAH.
IMPROVING KNOWLEDGE OF STUDENTS
IKOS

No comments:
Post a Comment