Subscribe us on YouTube

Tuesday, December 20, 2016

FAA'IDADA EEY AQRISKA LEETAHAY

FAA'IDADA EEY WAX AQRISKA LEYTAHAY

Shacabka Reer Holan Ayaa Waxa Ay Leeyihiin Xigamadan” Reality comes after Reading” oo Micnaheedu Tahay Xaqiiqadu waxa ay timaadaa wax Akhris ka dib. ( Fadlan Walaal Akhri Qormo Ka Hadleysa Faa'iidada Wax Akhriska.)
============================================================
Wax akhrisku wuxuu qofka ka dhigaa run-sheege, mar kasta oo aad wax akhridid waxa aad helaysaa xaqiiqada biyo-kama-dhibcaanka ah ee shayga laga hadlayo markaa. Ka dib waxa aad shanta farood ku fiiqaysaa halka ay runtu taalo. Sidaasi oo kale ayey shacabka reer Holan leeyihiin xigamadan” Reality comes after Reading” oo micnaheedu tahay xaqiiqadu waxa ay timaadaa wax akhris ka dib.
Wax akhrisku wuxuu qofka ka caawiyaa anshaxa wanaagsan iyo inuu si ilbaxnimo ku jirto u dhaqmo. Waayo wax akhrisku wuxuu ku barayaa dad aanad la dhaqmin oo meelo kala duwan adduunka jooga, ka dib waxa aad helaysaa il-dheeri iyo ilbaxnimo baaxad weyn leh. Taasina waxa ay kuu soo kordhinaysaa anshax wanaag iyo dad la dhaqan heer sare ah. Xigmad laatiin ah ayaa ahayd” Reader without ethics is like fish without gills”, oo noqonaysa akhriste aan anshaxa lahayni waa kalluun bilaa neef-mareen ah.
Wax akhriska badani qofka wuxuu ka dhigaa cilmi-baare (Reseacher), waxa aanu qofku ka helayaa cilmigii ka dhinaa oo aanu hore u aqoon.Sidaa darteed aqoonyahanadu waxa ay cilmi-baarista ku saleeyaan kolba inta buug ee arrin ay rabaan ka hadalaysa inay soo akhriyaan si ay daliil ugu noqoto. Shiinaha ayaa ku maahmaaha” Scholars talk Books Butchers talk cows”, oo micnaheedu yahay aqoonyahanadu waxa ay la sheekaysaan Buugta, halka hiliblayaashuna ay la sheekaysaan lo’da ay qalayaan. Maahmaahdaasi waxa aynu ka qaadanaynaa in aqoonyahanka iyo buugta aqoontu ku duugan tahay aan la kala waayin.
Wax akhrisku wuxuu qofka ka dhigaa qof aan jeejeesi badanayn marka uu socdo iyo marka uu fadhiyaba, inta badan indhihiisa iyo maskaxdiisu miisaan ayey leeyihiin. Wax akhrisku wuxuu dawo ka yahay indho taag-taaga meelo kala duwan la eego. Sidoo kale wax akhrisku wuxuu maskaxda ka dhigaa mid aan go’aankeeda si deg-deg ah u qaadan, oo wakhti ku rog-rogta, sidaa darteed akhristaha wanaagsan marka shay talo laga weydiiyo, wuxuu markiiba ku oranayaa wakhti I sii aan ku soo fikiro, waayo maskaxdiisii ayaa kortay oo miisaan yeelatay. Isla markaasina shay kuma xukumaan muuqaalka iyo wejiga uu wakhtigaasi leeyahay ilaa ay guntiisa soo taabtaan. dadka Maraykanka ah ayaa yiraa” you can’t judge a book by its cover”, oo nuxurkiisu noqonayo buugna ha ku xukumin galkiisa ama waxba ha ku xukumin muuqaalka ilaa inta aad ka gun-gaarayso. Sidoo kale waa tii Soomaalidu oran jiray“ hubsiimo hal baa la siistaa”.
Fadlan Walaal Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Cali cabdi coomay
Xigasho abdullahi nur colombo

No comments:

Post a Comment